Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Safiir kuxigeenka Finland ee Soomaaliya 🇸🇴 Nillie Mikkola oo ay weheliso Madaxa Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Safaaradda Emma Pajunen.
‎
‎Kulanka waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee dawladda Puntland iyo Safaaradda, Wasiirka ayaana la wadaagay qorsheyaasha horumarineed ee Puntland gaartay, sida Sanduukha horumarinta, Qorshaha Horumarinta 2026-2030, iyo guulaha kale ee dawladdu gaartay sida dagaalka Calmiskaad laga saarey argagixisada.
Kulanka waxaa ka qaybgalay madaxda sare ee Wasaaradaha, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Beeraha iyo Waraabka iyo saraakiil dawladeed oo kale.





