WASIIRKA OO SHIR-GUDOOMIYAY KULANKA ANSIXINGA TIIRKA DAWLAD WANAAGGA EE QORSHAHA HORUMARINTA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa shir-gudoomiyay fadhiga ansixinta yoolalka iyo waxqabadka istaraatiijiga ah ee tiirka dawlad wanaagga ee geeddi-socodka diyaarinta qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland (PDP⁴ 2026-2030).

‎Kulanka waxaa lagu falaanqeeyay muhiimada uu tiirkaan bulshada u leeyahay caqabadaha ka jira iyo xal ka gaaristooda, iyadoona la isla qaatay in lagu saleeyo diyaarintiisa baahiyaha dhabta ah ee kasoo baxay xog aruurin laga sameeyay deegaanada iyo degmooyinka Puntland si ay u noqdaan kuwa ka turjumaya nolosha dhabta ah ee bulshada.

‎Kulanka waxaa ka qaybgalay madaxda sare ee Wasaaradaha Cadaaladda, Arrimaha Gudaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xafiiska Hantidhawr guud, Guddiga Doorashooyinka, khubarada diyaarinta qorshaha horumarinta iyo saraakiil dawladeed oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *