WASIIRKA OO KA QAYBGALAY XUSKA MAALINTA CUNTADA ADDUUNKA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa ka qayb galay xuska maalinta cuntada Adduunka, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,loogana hadlay horumarinta Wax-soosaarka Beeraha Puntland.
Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha Puntland, waxaana hal ku dhigga sanadka loo xushay” Wadajir baynu ku gaari karnaa cunno wanaagsan iyo mustaqbal wnaaagsan”.
Wasiirka oo Wasaaradda Beeraha ku bogaadiyey kor u qaadista wax soo saarka gudaha ayaa Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan waxsoo-saarka gudaha, si looga maarmo waxyaabaha qalaad ee dibadda nooga yimaada.


Munaasabadda oo uu daahfurey Madaxwayne kuxigeenka dawladda Puntland waxa ka qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Maaliyadda, Deegaanka, Haweenka, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha Bangiga, Agaasimaha Guud ee IMC, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, Hay’addo Caalamiya iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *