WASIIRKA OO FUREY KULAMADA LA TASHIGA HAY’ADDAHA DAWLADDA EE DIYAARINTA QORSHAHA HORUMARINTA PUNTLAND

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa daahfurey kulamada la-tashiga hay’adaha dawladda ee geeddi-socodka diyaarinta qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland.

Kulanka waxaa lagu falaan-qeeyay warbixinada tiirka dhaqaalaha iyo dejinta jaantuska iyo yoolasha horumarinta dhaqaalaha Puntland oo ah tiir muhiim u ah halbeegyada laga cabirayo dhaqan dhaqaalaha bulshada iyo dawladda Puntland.

Kulanka waxaa ka qaybgalay hay’addaha dawladda ee qaybta ka ah diyaarinta qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland(#PFYDP⁴) kaas oo dhawaan lasoo bandhigi-doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *