WASIIR DAWLAHA OO WASHINGTON KULA KULMAY MADAX KARITSAN MARAYKANKA

Wasiiru-Dowlaha Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland, Mudane Faarax Maxamuud Aw-Cismaan ayaa safar shaqo ku tagay Caasimada Maraykanka Washington DC, halkaas oo uu kula kulmay Saraakiil ka socota Dowlada Maraykanka, iyagoo kawada hadlay Xiriirka Puntland iyo Maraykanka, la dagaalanka Argagaxisada, Doorashooyinka Soomaaliya ee 2026 iyo arimo kale oo gobolka khuseeya.

Wasiirku wuxuu dowlada Maraykanka uga mahad celiyay taageerada ay ka gaysteen dagaalka Cal-Miskaad. Kulankaasi oo is afgarad iyo xiriirka oo la sii xoojiyo ku dhamaaday.

Waxaa intii uu halkaa ku sugnaa Wasiirka casho sharaf u sameeyay Jaaliyadda reer Puntland ee Virginia, wuxuuna warbixin ka siiyay dalka ugana mahad-celiyay doorkoodii Dagaalka Cal-Miskaad, isagoo kula dardaarmay inaysan ilaawin taageeraana agoonta geesiyaashii naftooda huray ka tageen iyo dhalinta ku naafowday.

Wuxuu Wasiirku u gudbay Columbus, Ohio, isagoo lagu casumay shirweynaha sanadlaha ah oo ay qabtaan Ururka Cilmi-baarista ee Bulsho Trust.

Shirkaas oo sanadkaan diirada lagu saarayay sidii lagu heli lahaa doorasho isla ogol ah oo xasilooni siyaasadeed iyo amni horseeda.

Wasiirku wuxuu shirkaasi la wadaagay aragtida Puntland ee ku aadan xal u helista doorashada Federaalka ee 2026, isagoo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay doorkeeda qaadato, burbur ku yimaada Soomaaliyana aysan daawan doonin.

Wasiirku wuxuu intii uu halkaasi ku sugnaa waxaa qado-sharaf iyo soo dhawayn u sameeyay Madaxda iyo aqoonyahanka reer Puntland ee Columbus ku nool.

Wasiirku wuxuu jaaliyadda warbixin ka siiyay dalka, dhismaha siyaasada cusub ee Qurbajoogta iyo Sanduuqa Horumarinta Puntland iyo doorka ay ka cayaari karaaan, wuxuu u mahad celiyay doorkii ay reer Ohio ka qaateen dagaalka dalka looga nadiifinayo argagixisada, wuxuuna ka codsaday inay taageeradooda dhaqaale sii wadaan, agoonta geesiyaashii dhintay ka tageen iyo geesiyaasha kale ee naafoobayna taageeraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *