WASAARADDA OO QABATAY SHIRKA LA-TASHIGA HAY’ADAHA AAN DAWLIGA AHAYN EE DIYAARINTA QORSHAHA HORUMARINTA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa shir-gudoomiyay kulanka la-tashiga hay’adaha bahwadaagta aan dawliga aheyn ee geeddi-socodka diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland (PDP⁴ 2026-2030).

‎Kulanka oo daba-socdey kuwa horey loo qabtay waxaa lagu soo bandhigay diyaarinta geeddi-socodka qorshaha horumarinta Puntland, iyada oo lagu falaanqeeyay sida ugu habboon ee la isku waafajin-karo qorshaha hay’addaha iyo kan dawladda oo ka turjumaya nolosha dhabta ee bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *