Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa daahfurey kulanka wadatashiga ee sidii loo samayn lahaa habraaca cusub oo jihaynta, isku xirka iyo isku-dubbaridka ee bahda gargaarka iyo samafalka ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo mashaariicda horumarineed Puntland.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin socda hay’adaha dawladda, kuwa aan dawliga ahayn iyo xafiisyada Qarammada Midoobay, waxaa looga dooday sida ugu haboon ee dhinacyadu wadashaqayn dhaw u yeelan-karaan.


