WASAARADDA OO QABATAY KULANKA ANSIXINTA RASMIGA AH EE QORSHAHA HORUMARINTA PUNTLAND

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa daahfurey shirka ansixinta rasmiga ah qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland oo ay qabatay Wasaaradda Qorsheynta,Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

‎Kulanka waxaa lagu soo bandhigay, heerarka kala duwan ee uu soo maray diyaarinta geeddi-socodka qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland oo in muddo ah ka shaqayntiisa ay maamuleysay Wasaaradda Qorsheynta oo kaa kaashaneysa hay’adah kala duwan ee dawladda, kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawlgala Puntland.

‎Shirka waxaa ka qaybgalay madax ka socotay goleyaasha kala duwan ee dawladda Puntland (Golaha fulinta iyo Xeer dajinta), Xafiiska Qaramada Midboobey ee Puntland, kan Midawga Yurub iyo hay’addaha maxaliga ah ee aan dawliga ahayn iyo bulshada rayidka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *