MADAXWAYNE KUXIGEENKA OO FUREY SHIRKA WADATASHIGA QURBAJOOGTA IYO DAWLADDA

MADAXWAYNE KUXIGEENKA OO FUREY SHIRKA WADATASHIGA QURBAJOOGTA IYO DAWLADDA

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa furay shir wadatashiga Qurbajoogta iyo dawladda Puntland oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Shirka oo socon-doona mudo laba casho ah, waxaa looga arrinsanayaa laguna falaanqaynayaa dejinta siyaasadda qurbajoogta iyo sidii aya door wanaagsan ugu yeelan-lahaayeen qorsheyaasha horumarineed ee dalka ka socda.

Dawladda Puntland waxay qurbajoogta uga mahad-celinaysaa sida nafhurnimada leh ay uga qaybteen hawlgalka la dagaalanka argagixisada ee Hilaac oo gabogabo maraya haatan iyo kaalinta taageero iyo maalgashi ee Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *