Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Mohamed Hassan Ibrahim ayaa bogaadiyay khubarada diyaarinta geeddi-socodka qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland oo gabo-gabo maraya.
Wasiirka oo uu weheliyo Agaasimaha guud Eng AbdulKadir Botan Shabel ayaa booqday khubarada oo ku guda jira turxaan-bixinta hagaajinta isu-gaynta iyo aruurinta xogta buugga qorshaha, waxayna xuseen in Wasaaradda Qorsheynta ay ka go’antahay diyaarinta qorshe cad oo si dhaba uga turjumaya nolosha bulshada.
Buugga qorshaha horumarinta Puntland oo ah mid mudda laga shaqaynayay marxalado badan oo tashi ahna soo maray ayaa dhawaan soo bixi-doona, waxa uu noqon doonaa mid si dhaba ugu salaysan nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada Puntland miyi iyo magaalaba.


