Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Eng AbdulKadir Botan Shabel oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah Barkhad Muuse Cadde ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Uk Jawaahir Cabdulqaadir Carrabay.
Kulanka waxaa looga wada-hadlay doorka qurbajoogta ee ka qeyb qaadashada hawlgalka Calmiskaad, Sanduuqa Horumarinta Puntland iyo diyaarinta geeddi-socodka Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland iyo qodobo kale oo muhiima.
Kulanka waxa ka qeyb galay qaar kamida Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland.


