Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee dawladda Puntland Eng AbdulKadir Botan Shabel ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somali Business Talks

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee dawladda Puntland Eng AbdulKadir Botan Shabel ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somali Business Talks oo ah kulan kulmiyay ganacastada, hoggaanka shirkadaha gaarka loo leeyahay, aqoonyahanka iyo bulshada qaybaheeda oo looga hadlay hababka ganacsiyadu ay kor ugu qaadi karaan, la-dagaalanka saboolnimada iyo shaqo la’aanta uga qaybgali karaan horumarka dalka iyag oo kaashanaya dowladda iyo bulshada.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu daahfuray majallad lagu magacaabi Somali Insights.
Agaasimaha ayaa bogaadiyay kulanka kuna tilmaamay madal loo baahnaa oo wax ka tari karta jiheynta iyo in si aqoon iyo cilmi baaris ku dhisan loo horumariyo ganacsiyada.
Agaasimaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay ku talagalka dowladda iyo diyaarinta qorshaha shanta sano ee horumarinta ee Puntland oo shaqadiisu socoto kaas oo door lixaad leh siinaya ganacsiyada iyo shirkadaha maxalliga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *