Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa daahfurey aqoon-iswaydaarsi ku saabsan hoggaaminta wanaagsan iyo fulinta qorshaha horumarinta Puntland oo ay qabatay Wasaaradda Qorsheyntu.
Aqoon-iswaydaarsiga oo ay ka faa’iideysanayaan Agaasemayaasha Guud iyo kuwa Waaxyaha Qorsheynta hay’adaha dowladda waxaa lagu baran-doonaa hoggaaminta wanaagsan iyo fulinta qorsheyaasha dowladda, gaar ahaan kuwa horumarinta sida qorshaha 4-aad 2026-2030 oo dhawaan soo baxay.
Wasiirka ayaa Agaasimeyaasha ka faa’iideysanaya aqoon-isweydaarsiga kula dardaarmay hawlkarnimo inay casharada ay qaataan ay ku saleeyaan shaqada hay’adaha dowladda si bulshaduna uga sii faa’iideysato, loona hiigsado horumar waara iyo isku-filnaansho dawladeed.
Aqoon-iswaydaarsigu wuxuu socon-doonaa muddo 5 berri ah, waxaana bixinaya khubaro ka socoto Kenya oo ku xeeldheer arrimaha hoggaaminta wanaagsan iyo fulinta qorsheyaasha dawladeed.


