Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mohamed Hassan Ibrahim Wasiir dawlaha Hon. Faarax Maxamuud Awcismaan iyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa Golaha Wakiilada dawladda Puntland la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland oo dhawaan lasoo bandhigi-doono.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay heerarka kula duwan iyo marxaladaha uu soo maray diyaarinta geeddi-socodka hannaanka qorshaha 4-aad ee horumarinta, tiirarka uu ka kooban-yahay iyo muhiimada gaarka ah ee uu u leeyahay bulshada Puntland.
Golaha oo bogaadiyay doorka Wasaaradda ee diyaarinta qorshaha 4-aad ayaa tilmaamey in tani ay tahay talaabo wanaagsan oo loo baahnaa, qorshahaanna uu yahay mid ku salaysan baahida guu ee bulshada Puntland.
Qorshaha 4-aad ee horumarinta (PDP⁴ 2026-2030) oo dhawaan soo bixi-doona ayaa noqonaya mid si dhabba uga turjumaya nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshada miyi iyo magaalaba, waxaana Wasaaradda Qorsheyntu dadaal ku bixisay in qorshuhu noqdo mid daboola baahida istaraajiyadeed ee hay’adaha iyo dawladda guud ahaan.



