Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa gaadiid shaqo ku wareejiyay Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka iyo Xannaanada Xoolaha dawladda Puntland.
Gadiidkaan oo loogu talo-galay socod-siinta hawlaha shaqo ee hay’adaha dawladda waxaa laga iibiyey mashruuca Barwaaqo oo kamida mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.



