AGAASIMAHA GUUD OO SHIR-GUDOOMIYAY KULANKA DIB U EEGISTA MASHRUUCA U ADKEYAYSIGA WADAJIRKA AH

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa shir-gudoomiyay kulanka dib u eegista mashruuca U adkaysiga Wadajirka ah (Joint Resilience Programme JRP²) wajigiisa labaad oo ka socda degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdodob.

‎Shirka waxaa lagu soo bandhigay xog aruurin laga sameeyay kormeero iyo daba-gal shaqo oo lagu tagay meelaha uu mashruucu ka socdo, waxaana lagu falaanqeeyay guulaha la gaarey, caqabadaha soo baxay, xalkooda iyo dhamistirka iyo dardargelinta wajiga labaad ee mashruuca oo la filayo in la balaariyo si ay uga faa’iideystaan bulshada Puntland.

‎Mashruuca U adkaysiga Wadajirka ah waxaa iska kaashanaya oo wadda fulinaya dawladda Puntland iyo hay’adaha WFP iyo Unicef, waxaana ka wadashaqaynaya taaba-galkiisa Wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wax soo saarka, sida Waxbarashada, Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Beeraha iyo Waraabka, Caafimaadka, Xannaanada Xoolaha iyo Wakaaladda Horumarinta Biyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *