Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mohamed Hassan Ibrahim Wasiir dawlaha Faarax Maxamuud Awcismaan Agaasimaha Guud Eng AbdulKadir Botan Shabel iyo qaar kamida Agaasime Waxeedyada Wasaaradda ayaa hortagay ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐, ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ฒ๐ง๐ญ๐, ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ oo ay la wadaageen waxqabadka Wasaaradda ee muddadii ka dambeysay faldhigii hore ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland.
โ
โWarbixinta oo ka koobneyd waxqabadyada Wasaaradda ee dhinacyada diyaarinta qorshahaha horumarinta, qorsheynta mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta sanduuqa horumarinta ayaa madaxdu si faahfaahsan ula wadaageen guddiga Golaha.
โ
โGuddiga oo bogaadiyay waxqabadka balaaran ee muddada kooban lagu qabtay ayaa madaxda iyo hawladeenada Wasaaradda ugu mahad-celiyay si hufan ee ay bulshada ugu adeegayaan, iyagoona xusay in Wasaaradda Qorshayntu muhiim u tahay socod-siinta hawlaha shaqo ee dawladda Puntland ee dhinacyada u qareemidda iyo qorsheynta mashaariicda horumarineed.
โ
โWasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland waxaa ka go’aan diyaarinta u qareemidda qorsheynta iyo qaabeynta mashariicda horumarineed ee dalka iyo dajinya qorshayaasha ay ku hawlgalayaan hay’addaha dawladda iyo samafalka.



