WASIIRKA OO SHIR-GUDOOMIYAY KULANKA DARDAR-GELINTA MASHRUUCA U ADKAYSIGA WADAJIRKA AH

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa shir-gudoomiyay kulan muhiima oo u dhaxeeyay dawladda Puntland iyo hay’adaha Unicef iyo WFP, loogana hadlayay dardar-gelinta mashruuca U adkaysiga Wadajir ah (Joint Resilience Program-JRP) oo ay wadajir u fulinayaan dawladda Puntland iyo Unicef iyo WFP.

‎Kulanka waxaa lagu falaanqeeyay, guulaha laga gaarey iyo caqabadaha ka horyimi wajiga 1-aad ee mashruuca oo laga hirgaliyay degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob ee gobolka Mudug, waxaana la isla qaatay in la balaariyo mashruuca si ay uga faa’iideystaan dhammaan bulshada degmooyinka Puntland.

‎Mashruuca U adkaysiga Wadajirka ah waxaa iska kaashanaya oo wadda fulinaya dawladda Puntland iyo hay’adaha WFP iyo Unicef, waxaana ka wadashaqaynaya taaba-galkiisa Wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha, waxaana shirka ka qaybgalay madaxda sare ee Wasaaradaahaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *