Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Eng AbdulKadir Botan Shabel ayaa ka qaybagalay madasha wadatashiga farsamo ee Wasaaradaha iyo Dawladaha Hoose ee heshiiska canshuuraha, natiijooyinka Hanti-dhawrka guud iyo kicinta dakhliga dawladaha hoose ee Puntland.
Kulanka oo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxaa looga dooday sidii loo mideyn-lahaa, la iskuna waajafin-lahaa cansharadaha ay qaadaan Wasaaradaha iyo kuwa dawladda hoose, si kor loogu qaado dakhliga dawladda.
Agaasimaha Guud oo xusay muhiimada kulanka ayaa bogaadiyay cid walba oo ka shaqaysay madashaan oo ahayd mid muhiima, isagoona tilmaamey in wax wayn ay ka badali-doono hawlihii shaqo ee kicinta dakhliga dawladda.


