AGAASIMAHA GUUD OO FUREY TABABARKA INJINEERADA PUNTLAND

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa furey tababarka injineerada dabagalka iyo kormeerka dhismayaasha mashruuca Barwaaqo ee deegaanada iyo degmooyinka Puntland.

‎Aqoon-iswaydaarsigaan oo ay ka faa’iideysanayaan injineerada kormeerka mashaaruuca Barwaaqo iyo kuwa kale ee hay’addaha dawladda waxaa diiradda lagu saarayaa ilaalinta tayada iyo bad-qabka dhismeyaasha kala duwan ee mashaariicda iyo kaabeyaasha kale ee laga hirgaliyo gudaha Puntland.

‎Talaabadaan ayaa looga gol-leeyahay ilaalinta tayada iyo badqabka ceelbiyoodyada, biyo xirneenada waraha, iyo dhammaan dhismeyaasha muhiimka ah waxtarka u leh bulshada ee laga fuliyo deegaanada Puntland.

‎Kulanka waxaa ka qabgalay Maareeye kuxigeenka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Injineero katirsan Wakaaladda iyo khubaro kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *