Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Mohamed Hassan Ibrahim ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Sid Patnaik oo ah kuxigeenka madaxa DT-global oo ah madal ka shaqaysa magaaleynta, cagaarinta iyo ilaalinta deegaanka.
Kulanka waxaa looga wada-hadlay dardar-gelinta mashruuca Sinaanta oo ka shaqayn-doona arrimaha cagaarinta deegaanka, maareynta wasakhowga iyo magaaleynta, kaas oo dhawaan laga fulin-doono degmooyinka Garoowe iyo Bosaaso.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbadelka Cimilada dawladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil kale.


