Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Mohamed Hassan Ibrahim oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Eng AbdulKadir Botan Shabel ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay wefti ka socday xarunta East Africa Consulting & Advisory ee dalka Jarmalka.
Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha horumarka, iskaashiga labada dhinac iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland kuwaasi xaruntani galaangal iyo u-qareemid uga samaynayso dowladda Jarmalka.