Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa soo xiray tababar socday 10 maalmood oo ku saabsanaa dhaawaca/Xaalufka ku yimaada dhulka iyo khariidadeynta fiditaanka bacaadka (Land Degradation and Sand Dune Mapping), iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah sida Google Earth Engine iyo QGIS.
Tababarkan ayaa loo qabtay hawl-wadeenada wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soo-saarka, si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadooda ku saabsan qorsheynta dhulka, ilaalinta deegaanka, iyo maareynta kheyraadka .
Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey ka-qaybgalayaasha iyo khubaradii tababarka diyaarisay dadaalkooda, isagoo xusay in tababarkani uu muhiim u yahay kor u qaadidda awoodda hay’adaha dowladda ee diyaarinta xog-ku-saleysan cilmi barris si kor loogu qaado qorshayaasha horumarineed ee Dawladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *